Guutada 22aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka ee Gorgor oo dhawaan tababar kusoo dhammaystay Jamhuuriyadda Turkiga ayaa maanta kusoo wajahan Magaalada Muqdisho sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.
Ciidankaan ayaa la sheegay in ay tiradoodu gaarayso 5,000 oo Askari inkasto aan la xaqiijin in maanta guud ahaan lawada keenayo iyo maalmo ay qaadanayso soo daabulistooda iyada oo la diyaariyay goobaha la dejinayo ciidamadaas.
Diyaaradaha Militariga Jambuuriyadda Turkiga oo markii hore dalka looga qaaday Ciidanka Kumaandooska Gorgor gaar ahaan Guutada 22aad ayaa dib loogu soo daabulayaa iyada oo loo diyaariyay Gaadiidkii lagu daabuli lahaa Ciidankaas.
Ciidamadaan waxa ay qayb ka noqonayaan Qorshaha Dowladdda Federaalka Soomaaliya ay ugu diyaargaroobayso la wareegista mas’uuliyadda Amniga Dalka maadaama ay baxayaan Ciidanka Midowga Afrika ee AUSSOM.
Mustaqbal
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalaya Shirka Caalamiga ah ee looga hadlayo Isbaddelka…
Dowladda Nepal ayaa sheegtay ku dhawaad 3 bil aan weli la aqoonsan qaar kamid ah…
Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ka hadlay munaasabad lagu…
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay in…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Mareykanka u sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka ay diyaar u yihiin…
Hoggaamiyaha Maamulka Galmudug oo khamiistii la caleemosaaray ayaa safarkiisii ugu horreeyay maanta uga baxay Dhuusamareeb…