GUDAHA/wararka

Rag looga shakiyay AS oo Mandheera ku dilay Injineero laami dhisayay

Rag hubaysan oo lala xiriirinayo in ay katirsan yihiin AS ayaa weerar jidgal ah ku qaaday gaari ay la socdeen Injineerro, shaqaale iyo Ilaalo Booliis ah oo Dhismo laami kawaday Ismaamulka Mandheera sida ay ku warrameen saraakiil katirsan Booliikska Kenya.

Kooxda weerarka fulisay ayaa rasaas tira beel ah ku ridday Gaariga oo dadkii la socday ay kusii wajahnaayeen Dhismo ay ka wadeen waddada isku xirta Carabiya iyo Lafeey ee Ismaamulka Mandheera, waxaana baxsatay kooxdii weerarkaas fulisay oo lagu daba joogo sida uu sheegay Booliiska Kenya.

Dadka dhintay ayaa isugu jiray 5 Injineer oo dhismaha laamiga ah iyo labo askari oo katirsan Ciidanka Booliiska Kaydka ah halka uu dhaawac darran uu soo gaaray wadaha Gaariga la rasaaseeyay oo la dhigay mid kamid ah Goobaha Caafimaadka si looga daweeyo dhaawacyada jirkiisa ay u gaysatay rasaasta lagu riday.

Dhammaan dadkaas maydkooda la geeyay mid kamid ah xarumaha baarista Booliiska halkaas oo baaritaanno lagu samaynayo si loo helo ugu yaraan tixraac lagu raadraaci karo hubka loo adeegsaday weerarka nafta lagu dhaafiyay, waxaana kiiskooda la wareegay ciidamada gaarka u tababaran ee la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada.

Kenya ayaa dhawaan sheegtay in ay kordhinayso howlgallada ay uga hortagayso AS kuwaas oo dhimasho, Dhaawac, Cabsi iyo xayiraad safar ku noqotay Mas’uuliyiin, Saraakiil ciidan, Ajaanib u badan dalxiisayaal iyo kuwo kale waana tan keentay in la kordhiyo Ciidamada ka howlgallada deegaannada xiga Xadka Soomaaliya.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Koofur Afrika oo xirtay Dad la sheegay in ay u tahriibayeen Ruushka

Booliiska Koofur Afrika ayaa xiray 9 qof oo ajaanib ah oo dalkaas u tagtay inay…

2 hours ago

Maraykanka oo Muwaadiniintiisa uga digay in ay u safraan Dalal ay ku jirto Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa sii wadday digniinta safarka ee heerka afaraad (Level 4) dalalkaas oo kala…

2 hours ago

Kumannaan kun oo ka barakacay colaadaha Moyale

In ka badan 50,000 oo qof ayaa ka barakacay colaadaha ka socda Moyale ee u…

16 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiir Fiqi iyo Safiirka Shiinaha?

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta Muqdisho kula kulmay Safiirka Shiinaha u fadhiya…

19 hours ago

Guutada 22aad ee Gorgor oo Muqdisho kusoo wajahan

Guutada 22aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka ee Gorgor oo dhawaan tababar kusoo dhammaystay Jamhuuriyadda Turkiga…

24 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Turkiga uga qaybgalaya Shir looga hadlayo Isbaddelka Cimillada

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalaya Shirka Caalamiga ah ee looga hadlayo Isbaddelka…

1 day ago