Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay shirkii dhawaan Muqdisho ugu soo idlaaday madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, ayaa qodobadii ka soo baxay shirka ku sifeeyey in ay sii kordhinayaan xiisadda siyaasadeed ee dalka.
Farmaajo oo warsaxaafadeedka uu soo saaray ku baahiyey bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa kaga hadlay shan qodob kuwaas oo kala ah; maamulka Puntland, Dastuurka, doorashooyinka maamul gobaleedyada, heshiiskii hore ee ay galeen Golaha Wadatashiga Qarank, iyo hannaanka doorasho qof iyo cod.
Maqnaasha Puntland ayaa Farmaajo ku sifeeyey warsaxaafadeedkiisa, “in ay muujinaysa kalsooni darrada wali ka taagan Golaha iyo in Madaxtooyadu ay qaadatay go’aan ka dhan ah Federaaleynta iyo dimuqraadiyeynta dalka.”
Qodobkaan ayaa u muuqda mid Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dib u xasuusinaya muddo xileedkiisa hore iyo xiriirkii ka dhaxeeyey Villa Somalia iyo madaxda maamul gobaleedyada.
Farmaajo oo ka hadlay Dastuurka ayaa sheegay in shirka laga filayey dib ugu laabashada Dastuurka, isaga oo ka hadlaya waxa uu yiri, “Waxaa laga filayey shirku in uu dib ugu laabto hannaankii dastuuriga ahaa ee la isku waafaqsanaa, waana nasiib darro in wali hoggaanka dalku ay sii wadaan.”
Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo warsaxaafadeedkiisa ku soo gabagabeeyey luqad adag ayaa baaq uu u jeediyey Siyaasiyiinta iyo Shacabka Soomaaliyeed in ay ka hortagaan caqabado uu sheegay in ay ku soo foodleeyihiin dowladnimada.
Mustaqbal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga…
Dowladda Masar ayaa sheegtay in ay sii wadeyso taageerada ay siiso Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidan Booliis ah gaysay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug…
Duqeymo dhinaca cirka ah ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Fiidow ee Gobolka…
Maanta oo kale 19kii Agoosto 2011 waxaa Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyir Erdogan…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay hubka iyo qorshaha xakamayntiisa, waxaana…