GUDAHA/wararka

Xisbiga Himilo Qaran oo ku baaqay in xal degdeg ah loo helo maqnaashaha Puntland ee shirarka GWQ

Xisbiga Himilo Qaran oo ka mid ah Xisbiyada ugu weyn ee dalka ayaa warsaxaafadeed waxa uu ka soo saaray shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka, kaas oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyey May 17, 2024-ka, iyada oo ay ka soo qeyb galeen madaxda dowladda dhexe iyo kuwa Maamul Gobaleedyada marka laga reebo Puntland.

Warka ka soo baxay Xisbiga uu Hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna xubin ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka u soo jeediyey in mudnaan gaar ah la’iska saaro xaaladda cimillada adduunka oo saameyn ku yeesha geeska Afrika.

“Maadaama cimilada adduunku isbedel ku dhacay, gaar ahaan geeska Afrika, in ay cayimaan quburo diyaarisa qaabka ugu haboon ee loola tacaali karo fatahaadaha iyo daadadka roobka ee soo noqnoqday iyo sida ugu wanaagsan ee loogu gurman karo dadka ay roobka waxyeeleeyeen, una soo bandhigaan shacanka raba in ay u gurmadaan walaalahood,” sida lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay Xisbiga.

Xisbiga ayaa Golaha Wadatashiga ugu baaqay in si degdeg ah xal loogu helo ka maqnaasha shirka maamulka Puntland oo shirarkii ugu dambeeyey aysan qeyb ka ahayn, “Mabaadii’da uu kudhisanyahay Golaha Wadatashiga Qaran waa wadar ogol, waxaan ogsoonahay in dhowr shir ay Puntland ka maqantahay, sidaa daraadeed waa in xal deg deg ah loo helaa kala maqnaansha GWQ.”

Sidoo kale Xisbiga ayaa xusay in ay muhiim tahay sidii mas’uuliyad gaar la’isaga saari lahaa khilaafka ka taagan qaabka dhameystirka Dastuurka, iyo in dib u eegisa lagu sameeyey qorashaha dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo dalka ka socda.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Xisbiga Himilo Qaran ayaa ku soo beegmaya xilli todobaadkii hore Muqdisho lagu soo gabagabeeyey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, kaas oo laga soo saaray Warsaxaafadeed mugdi galiyey qodobadii ugu muhiimsanaa ee madaxdu kuwada gorfeeyeen shirka.

Halkaan hoose ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhameystiran

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

MW Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay toddob safiir

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga…

12 hours ago

Masar iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay arrimo la xiriira amniga iyo dagaalka AS

Dowladda Masar ayaa sheegtay in ay sii wadeyso taageerada ay siiso Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada…

14 hours ago

DFS oo Ciidan Booliis ah gaysay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidan Booliis ah gaysay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug…

17 hours ago

NISA oo sheegtay in duqayn ka dhacday HirShabeelle lagu dilay xubno katirsan AS

Duqeymo dhinaca cirka ah ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Fiidow ee Gobolka…

18 hours ago

15 sano kaddib, Turkiga muxuu kusoo kordhiyay Soomaaliya?

Maanta oo kale 19kii Agoosto 2011 waxaa Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyir Erdogan…

18 hours ago

MW Xasan Sheekh “Soomaali is dilayso ma jirayso, Ninkii qori soo qaata ee raba in uu dadka dilo waa lala diriraa”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay hubka iyo qorshaha xakamayntiisa, waxaana…

20 hours ago