Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga guddoomay safiirro cusub oo ka socday Toddobo dal.
Safiirrada cusub ee Madaxweynaha ka guddoomay warqadaha aqoonsiga ayaa kala ah: Danjire Mohamed Alim – Aljeeriya, Danjire Joao Alfredo Dos Anjos – Brazil, Danjire Dr. Adarsh Swaika – Hindiya, Danjire Dr. Madou Diallo – Mali, Danjire Aung Min Oo – Myanmar, Danjire Danlami Ibrahim – Nigeria iyo Danjire Aqsa Nawaz – Pakistan
Madaxweynaha ayaa Danjireyaasha ka dhageystay warbixinno ku saabsan qorsheyaashooda iyo mudnaantooda ku aaddan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka ay matalaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safiirrada cusub u rajeeyay in muddada ay xilalkooda hayaan ay kaalin wanaagsan ka qaataan xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo dalalkooda, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga siyaasadeed, dhaqaalaha, horumarinta, amniga iyo arrimaha bulshada.
Dhankooda, safiirrada cusub ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyay farriimo iyo salaan ay ka sideen madaxda dalalkooda, iyaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay ka shaqeynta horumarinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo dalalka ay matalaan.
Mustaqbal
Dowladda Masar ayaa sheegtay in ay sii wadeyso taageerada ay siiso Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidan Booliis ah gaysay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug…
Duqeymo dhinaca cirka ah ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Fiidow ee Gobolka…
Maanta oo kale 19kii Agoosto 2011 waxaa Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyir Erdogan…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay hubka iyo qorshaha xakamayntiisa, waxaana…
Sarreeye Guud, Tigabu Yilma oo horay u soo noqday Taliyihii hore ee Howlgalka Midowga Afrika…