Sarreeye Guud, Tigabu Yilma oo horay u soo noqday Taliyihii hore ee Howlgalka Midowga Afrika Soomaaliya ee AMISOM ayaa loo magacaabay Taliyaha Booliiska Gobolka Amxaarada si uu wax uga qabto xaaladaha dhinaca nabadgalyada ah ee halkaas ka jira.
Taliye Tigabu Yilma ayaa ah sarkaal katirsan ciidanka Militariga Dowladda Federaalka Itoobiya, balse waxa uu hadda ka shaqaynayaa dhinaca Booliiska isaga oo leh khibrad ciidan oo 40 sano ah sida ku xusan sooyaalkiisa.
Magacaabistiisa kama imaan dhinaca Federaalka ee waxaa si toos ah u xilkaan ugu magacaabay Madaxa Gobolka Amxaarada oo lagu magacaabo Arga Kebede sida uu ku shaaciyay qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook.
Tigabu Yilma ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay ciidanka Difaaca Itoobiya sida Madaxa Agaasinka Guud ee Caafimaadka, Madaxa Saadka iyo xubin katirsan Golaha Difaaca, sidoo kale waxa uu kasoo shaqeeyay Soomaaliya.
Mustaqbal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga…
Dowladda Masar ayaa sheegtay in ay sii wadeyso taageerada ay siiso Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidan Booliis ah gaysay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug…
Duqeymo dhinaca cirka ah ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Fiidow ee Gobolka…
Maanta oo kale 19kii Agoosto 2011 waxaa Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyir Erdogan…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay hubka iyo qorshaha xakamayntiisa, waxaana…