GUDAHA/wararka

15 sano kaddib, Turkiga muxuu kusoo kordhiyay Soomaaliya?

Maanta oo kale 19kii Agoosto 2011 waxaa Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyir Erdogan oo xiligaas ahaa Ra’iisul Wasaaraha Dalkaas, waxaa Soomaaliya ka jiray xaalado bani aadamnimo oo adag iyada oo Ankara ay gurmad degdeg ah Dalka keentay.

Wixii xiligaas ka dambeeyay waxaa sii xooggaystay cilaaqaadka Soomaaliya iyo Turkiga oo u gudbay dhinacyada Amniga, Waxbarashada, Soosaarka Khayraatka Dabiiciga ah, Caafimaadka, Ganacsiga, ka qaybgalka musiibooyinkii dalka ka dhacay sida qaraxyada & kuwo kale.

Ankara waxa ay Soomaaliya u tababartay Ciidamo gaar ah oo ka kala tirsan Booliiska waana Haramcad iyo kuwa Xoogga Dalka oo iyanna ah Kumaandooska Gorgor, kuwaas oo ay si xirfad sare ku dheehan tahay u qalabaysay Dowladdaas.

Turkiga waxa uu door ka qaatay Wadahadalladii horay u dhexmaray Madaxda Dowladda iyo Maamulka Waqooyi Galbeed, waxaa kale oo Turkigu dib u hagaajin ku sameeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho & Dekedda oo muhiim u ah dhaqaalaha Dalka.

Waxa uu hadda Turkiga gacanta ku hayaa soosaarka Shidaalka Soomaaliya oo sahankii horay ee Baarista lagu ogaaday ceelasha la qodayo oo bilaha soo socda laga sugayo in ay kasoo saaraan natiijada shidaalkaas soosaarkiisa lagu howlan yahay.

Muqdisho waxa ay Ankara ka dhigtay Dalka haysta dhul weyn oo dhismo safaaradeed, waxa ay tani sii xoojisay kalsoonida iyo cilaaqaadka ka dhex jira Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, waxaana sii ballaartay xeendaabka xeryaha lagu tababaro ciidanka Soomaaliyeed.

Diyaaradaha Casriga ah, Gaadiidka ay adeegsadaan Ciidamada, Hubka ay wataan iyo dhammaan waxyaabaha kale ee aasaasiga u ah jiritaankooda ayay Xukuumadda Ankara siisay waana tan keentay in kalsooni buuxda ciidamada loogu muujiyo mas’uuliyadda Amniga Dalka.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

MW Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay toddob safiir

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga…

11 hours ago

Masar iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay arrimo la xiriira amniga iyo dagaalka AS

Dowladda Masar ayaa sheegtay in ay sii wadeyso taageerada ay siiso Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada…

13 hours ago

DFS oo Ciidan Booliis ah gaysay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidan Booliis ah gaysay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug…

16 hours ago

NISA oo sheegtay in duqayn ka dhacday HirShabeelle lagu dilay xubno katirsan AS

Duqeymo dhinaca cirka ah ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Fiidow ee Gobolka…

17 hours ago

MW Xasan Sheekh “Soomaali is dilayso ma jirayso, Ninkii qori soo qaata ee raba in uu dadka dilo waa lala diriraa”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay hubka iyo qorshaha xakamayntiisa, waxaana…

19 hours ago

Taliyihii hore ee AMISOM oo loo magacaabay Taliyaha Booliiska Amxaarada

Sarreeye Guud, Tigabu Yilma oo horay u soo noqday Taliyihii hore ee Howlgalka Midowga Afrika…

20 hours ago