GUDAHA/wararka

NISA oo sheegtay in duqayn ka dhacday HirShabeelle lagu dilay xubno katirsan AS

Duqeymo dhinaca cirka ah ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Fiidow ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Dowlad-Goboleedka HirShabeelle iyada oo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA ay faahfaahin ka bixisay howlgalkaas.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in la beegsaday goob ay ku shirayeen xubnaha la bartilmaameedsaday ee ‘AS’ katirsan, waxaa ugu dambayn la gaarsiiyay khasaara kala duwan sida hadalka loo dhigay.

NISA ayaa intaas ku dartay in weerarkaan ay iska kaashadee saaxiibada caalamiga ah ee ka gacansiiya weerarrada cirka ah, ma sheegin tirada rasmiga ah ee ‘AS’ looga dilay weerarkaas ka dhacay Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Turkiga iyo Maraykanka ayaa Soomaaliya ka gacansiiya fulinta duqaymaha iyada oo xogta goobaha la beegsanayo ay soo gudbiyaan Ciidamada Dowladda Federaalka waxaana ugu dambayn laga soosaaraa warbixin la xiriirta khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

MW Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay toddob safiir

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga…

11 hours ago

Masar iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay arrimo la xiriira amniga iyo dagaalka AS

Dowladda Masar ayaa sheegtay in ay sii wadeyso taageerada ay siiso Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada…

13 hours ago

DFS oo Ciidan Booliis ah gaysay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidan Booliis ah gaysay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug…

16 hours ago

15 sano kaddib, Turkiga muxuu kusoo kordhiyay Soomaaliya?

Maanta oo kale 19kii Agoosto 2011 waxaa Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyir Erdogan…

17 hours ago

MW Xasan Sheekh “Soomaali is dilayso ma jirayso, Ninkii qori soo qaata ee raba in uu dadka dilo waa lala diriraa”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay hubka iyo qorshaha xakamayntiisa, waxaana…

19 hours ago

Taliyihii hore ee AMISOM oo loo magacaabay Taliyaha Booliiska Amxaarada

Sarreeye Guud, Tigabu Yilma oo horay u soo noqday Taliyihii hore ee Howlgalka Midowga Afrika…

20 hours ago