GUDAHA/wararka

MW Xasan Sheekh “Soomaali is dilayso ma jirayso, Ninkii qori soo qaata ee raba in uu dadka dilo waa lala diriraa”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay hubka iyo qorshaha xakamayntiisa, waxaana uu xusay in aanay la aqbali kari hub ku jira gacan ka baxsan Dowladda oo Magaalooyinka lagu dhex haysan karo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Askari Dowladeed oo keliya uu hubka haysan karo, waxaana uu tilmaamay in ay imaan doonto maalin ay Dowladdu gacanteeda gaari doonto dadkaas lagana soo qaadi doonno.

Waxa uu sheegay in aysan Dowladdu haysan dadka hubkooda ku haysta guryahooda, waxaana uu bogaadiyay nabadgalyada jirta isaga oo intaas ku daray in ay jiraan mas’uuliyiin Dowladda katirsan oo weli laga dhaadhicin la’ yahay in Magaaladu nabad tahay.

“Shabaab waan dilaynaa oo waan is dirirsanahay, ISIS waan la dagaalamaynaa, Ninkii qori usoo qaata ee raba in uu dadka dilo waan la diririnaynaa, Qofka fikirkiisa xor ayuu u yahay 100% oo Dastuurka ayaa tilmaamayo laakiin qoryo hala isku soo qaato meel ay ku qoran tahay ma lahan, ilaa hadda Rag Dowladda katirsan ayaa laga dhaadhicin la’ yahay baladku waa Amni” MW JFS, Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka Doorashada waxa uu sheegay in Dowladdu ay dedaal badan gelisay qabsoomidda Doorashooyinka Dadweyne oo ah mid dastuuri ah, waxaana uu carrabka ku dhuftay in Shacabku og yihiin tan faa’iida u ah marka la is dhinac dhigo Doorashooyinka Dadban iyo kuwa tooska ah.

“Dadka Soomaaliyeed waxa ay ka samaysan yihiin in ay helaan Xorriyad Doorasho, waad ogtihiin waxa ka dhashay Doorasho Dadban, marka la eego Doorashooyinkii dhacay xitaa kama dhicin in ay dadku is dhahaan iga siko iyo iga hor leexo” Ayuu yiri MW Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu bannaanka soo dhigay hannaanka doorasho ee Dowladdu rabto in ay dalka ka dhacdo iyo tan Mucaaradku doonayaan, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in mucaaradka ay doonayaan doorashooyin dadban balse la badinayo goobaha lagu qabanayo halka Dowladda ay doonayso mid dadweyne maadaama dadku diiwaangashan yihiin.

“Is diiwaangelin aan kaar wadan in la dhaho doorasho ayaa lagu galaa xoogaa waxa aan is leeyahay meeshaas waxbaa ka qaldan, qofkii raba doorasho Dadka hadda codeeyay iyo kuwa codaynaya way diiwaangashan yihiin” MW JFS, Xasan Sheekh Maxamuud.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

MW Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay toddob safiir

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga…

11 hours ago

Masar iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay arrimo la xiriira amniga iyo dagaalka AS

Dowladda Masar ayaa sheegtay in ay sii wadeyso taageerada ay siiso Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada…

13 hours ago

DFS oo Ciidan Booliis ah gaysay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidan Booliis ah gaysay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug…

16 hours ago

NISA oo sheegtay in duqayn ka dhacday HirShabeelle lagu dilay xubno katirsan AS

Duqeymo dhinaca cirka ah ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Fiidow ee Gobolka…

17 hours ago

15 sano kaddib, Turkiga muxuu kusoo kordhiyay Soomaaliya?

Maanta oo kale 19kii Agoosto 2011 waxaa Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyir Erdogan…

17 hours ago

Taliyihii hore ee AMISOM oo loo magacaabay Taliyaha Booliiska Amxaarada

Sarreeye Guud, Tigabu Yilma oo horay u soo noqday Taliyihii hore ee Howlgalka Midowga Afrika…

20 hours ago