GUDAHA/wararka

Shir u dhaxeeya Wasaaradda Amniga iyo Wasaaradaha DG oo ka furmay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb oo maanta ka furmay Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad Gobaleedka waxaa maanta ka furmay shir u dhaxeeya Wasaaradda Amniga gudaha Xukuumadda Soomaaliya, Wasiiraha Amniga ee maamul gobaleedyada iyo Taliska Booliska.

Shirkaan oo caasimadda Galmudug ka socon doona laba berri ayaa waxaa daahfuray Madaxweynaha ku xigeenka Galmudug, waxaana goobjoog ka ahaa Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Shirka ayaa inta uu socda waxaa diiradda lagu saarayaa Mashruuca Wadajirka Booliiska (JPP-2), Sharciga Booliiska Soomaaliya, Qorshaha Istiraatijyadda Amniga Gudaha, iyo Bixitaanka ATMIS Ka dib. Sida uu yiri Wasiirka Amniga Cabdullaahi Fartaag.

Sidoo kale Wasiirka Amnig ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku yiri, “Iskaashiga iyo wadajirka Wasaaradaha Amniga iyo Talisyada Booliiska ee labada heer waa muhiim, si loo gaaro hadafyada amniga ee Qaranka. Waxaan rajeynayaa natiijooyin wax ku ool ah oo kor u qaadaya amniga iyo nabadda Soomaaliya in shirkan ay nooga soo baxaan.”

Mustaqbal  

MM Staff

Recent Posts

MW Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay toddob safiir

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga…

10 hours ago

Masar iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay arrimo la xiriira amniga iyo dagaalka AS

Dowladda Masar ayaa sheegtay in ay sii wadeyso taageerada ay siiso Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada…

12 hours ago

DFS oo Ciidan Booliis ah gaysay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidan Booliis ah gaysay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug…

15 hours ago

NISA oo sheegtay in duqayn ka dhacday HirShabeelle lagu dilay xubno katirsan AS

Duqeymo dhinaca cirka ah ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Fiidow ee Gobolka…

16 hours ago

15 sano kaddib, Turkiga muxuu kusoo kordhiyay Soomaaliya?

Maanta oo kale 19kii Agoosto 2011 waxaa Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyir Erdogan…

16 hours ago

MW Xasan Sheekh “Soomaali is dilayso ma jirayso, Ninkii qori soo qaata ee raba in uu dadka dilo waa lala diriraa”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay hubka iyo qorshaha xakamayntiisa, waxaana…

18 hours ago