DPworld oo shaqaalaha Dekadda Berbera ku amartay qaadashada Baasaboorka Somaliya

Sharikadda DPWorld ee laga leeyahay Dalka Imaaraadka Carabta ayaa qaar ka mid ah shaqaalaha sharikaddaasi ee ka holwgala Dekadda Berbera ku amartay in ay qaataan Baasaboorka Soomaaliya.

Shaqaalahan ayaa loo wadaa tababar ay ku soo qaadanayaan dalka Imaaraadka Carabta sida ay sheegtay Faadumo Siciid Ibraahim oo ah la taliyaha arrimaha dibadda ee Guddoomiyaha Xisbiga Waddani.

Shir jaraa’id oo ay ku qabatay  Magaalada Hargeysa ayey ka sheegtay in shaqaalaha loo wado tababarka ee Imaaraadka aadaya lagu amray in ay qaataan Baasaboorka Soomaaliya..

Waxaa ay sheegtay in shaqaalaha la faray in ay Baasaboorka ka doontaan Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Faadumo Siciid Ibraahim ayaa aad u dhaliishay siyaasadda arrimaha dibadda ee Maamulka Muuse Biixi,waxaana ay sheegtay in xafiisyadii diblomaasiyadeed ee dibadda ay ku lahayd Somaliland ay dhaqaale la’aan ku dhowyihiin in ay xirmaan.

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

7 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

10 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

11 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

12 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

12 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

13 hours ago