Sharikadda DPWorld ee maamusha Dekadda magaalada Berberaba ayaa maanta dhaqan gelisay amar horay uga soo baxay sharikadda.
Amarkan ayaa ahaa in laga billaabo 12ka March la kordhiyay lacagaha laga qaado Ganacsatada Badeecadaha kala soo dega Dekadda Magaalada Berbera sidoo kalena la kordhiyay qiimaha Sarrifka doollarka.
Madaxa Maaliyadda DPWorld Raghu Pillai, ayaa sheegay in iyada oo la fulinayo amarkii sharikaddu soo saartay 3dii January qiimaha sarrifka ee halkii doollar la gaarsiiyay 8,500 oo al lacagta Somaliland.
Waxaa kale oo sare loo qaaday lacagaha laga qaado Kunteennarada Gaacsatada ee ka soo dega Dekadda Berbera.
Kunteennarka Ganacsiga ee 20fka ah ee ka soo dega Dekadda Berbera waxaa horay looga qaadi jiray labo Malyan iyo lix Boqol,waxaana hadda la gaarsiiyay saddex Milyan iyo sagaal boqol.
Halka Kunteenarka 40ft waxaa horay looga qaadi jiray lacag gaareysa afar Milyan iyo lix boqol,waxaana hadda la gaarsiiyay shan Milyan iyo lix boqol.
Arrintan ayaa waxaa ka walaacsan Ganacsatada Suuqyada Somaliland oo culeyska ay DPWorld saartay iyaga saari doona dadweynaha iyo suuqyada ay wax ka iibsadaan.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…