GUDAHA/wararka

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in si sharci darro ah looga kalluumaysto xeebaha Dalka

Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa sheegtay in xadgudubyada ka dhaca dhinaca badda ee la xiriira kalluumaysiga sharci darrada ah ay u dhaxeyso 25% ilaa 60% iyada oo ay weli socdaan dedaallada lagu dhisayo ciidamada ilaalada xeebaha Dalka si loosoo afjaro arrintaan.

Axmed Xasan, Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga & Khayraatka Buluugga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in xitaa kiiskaan ay u dacweeyeen dalal qaarkood saaxiibo dhow la ah Dowladda sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir Axmed ayaa intaas ku daray in Soomaaliya xogtaan ay ku ogaatay dayaxa macmalka ah (Satellite) maadaama ay xubin ka tahay ‘Copenhagen agreement’ oo ahaa heshiis looga hortagayay kalluumaysiga sharci darrada ah.

Waxa uu bogaadiyay tallaabooyin ay qaadeen Maxkamadaha dalka oo lagu xukumay dad kalluumaysi sharci darro ah sameeyay, halka la xisaabtanka dadka kale ee biyaha Soomaaliya ku xadgudbaya uu socdo, si loo gaarana loo xoojiyay ciidanka ilaalada xeebaha.

“Kalluunka Soomaaliya boobkiisa wuu socdaa, Dowlado aan saaxiibo nahay qaarkood ayaa u dacweynay arrintaan, waxaa jira kuwo ku howlan ilaa hadda in ay dhacaan khayraatka Dalka oo aan wadno in aan kala hadalno in ay biyaha isaga baxaan” Axmed Xasan, Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga & Khayraatka Buluugga ah XFS.

Baaris saddex sanno ah oo ay Dowladdu samaysay waxaa usoo baxday natiijada ah in 500,000 ilaa 800,000 oo kun oo Metre tan oo ah Kalluunka Nooca Tuunaha ah laga samayn karo, dhaqaalaha laga heli karana ay ka badan tahay bal bilyan oo doollar.

Soomaaliya waxa ay heshiis dhinaca difaaca badda ah kula jirtaa Dalal kala duwan sida Turkiga waxaana socda qorshe lagu dhisayo ciidamo xooggan oo awood buuxda mustaqbalka u yeelan kara ilaalinta Badda si looga hortago Maraakiibta sida sharci darrada ah uga kalluumaysto.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

6 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

8 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

9 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

14 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

16 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

16 hours ago