Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Boqorka Sacuudi Carabiya Salmaan Bin Cabdilcasiis Aala Sacuud iyo Shacabka Dalkaas ugu hambalyeeyay munaasabadda Maalinta qaran ee dalkaas ee 23ka September.
Qoraal lagu daabacay barta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu hoggaanka iyo Shacabka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ugu hambalyeeyay Maalintaan u gaarka ah.
“Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu adeegaha Xaramaynka ahna boqorka Sacuudi Carabiya la wadaagayaa hambalyada maalintaan qaran, waxa uu u rajeeyay xasilooni waarta” Ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.
Muddada laga joogo tirsiga xukun isku wareejinta qoyska reer Aala Sacuud waxa ay soo martay xaalado kala duwan iyada oo xitaa wax laga baddelay shuruuc adag oo dalkaas lagu maamulayay sida calanka iyo astaamaha waddankaas.
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…