Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in doorashooyinka Galmudug iyo Jubaland aysan dib uga dhaceyn waqtigooda lana qabanayo.
Wasiirka wasaaradda arrinaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in doorashada Galmudug ee madaxweynenimada la qabanayo Bisha July ee so socota.
Wasiirku waxaa uu sheegay in Maamulka Galmudug dadka hadda taladiisa haya ay muddo xileedkooda ku egtahay bisha July.
Dhawaan Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxa Xukuumadda ayaa Dhuusamareeb ka sheegay in waqtiga madaxweynaha Galmudug uu ka billaabanayo Bishii January ee sanadkii 2018kii, saddex sanana u dhimantahay.
Dhinaca kale Wasiirku waxaa uu sheegay in doorashada Jubaland ay dhaceyso Bisha July ee sanadkan 2019.
Waxa uu tusaale u soo qaatay safarkii uu Ra’isalwasaaraha dhawaan ku tagay magaalada Kismaayo, isaga oo sheegay in Xukuumadda ay kala hadashay Jubaland in doorashada waqtigeeda lagu qabto.
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…