Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa ka hadashay xarig shalay iyo doraadba loo geystay xubnihii ugu sarreeyay Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee uu hoggaamin jiray Cabdi Maxamuud Cumar.
Taliyaha Booliska Dalka Itoobiya,Zeyinu Jemal, ayaa shir jaraa’id ka sheegay in hadda ay xiranyihiin lix xubnood oo ka mid ah kuwa ugu sareeyay maamulkii hore islamarkaana kuwo kale ay baaritaan ku wadaan.
Waxaa uu Taliye Zeyinu Jemal, sheegay in Booliska ay baaritaan ku wadaan madaxda dhallinyaro uu sameeyay Cbadi Maxamuud Cumar,kuwaas oo ay Booliska ku eedeynayaan in ay ka dambeeyeen rabshadihii ka dhacay Jigjiga.
Taliyuhu waxaa uu xusay in uu baaritaan ku socdo madaxda Ururka dhallinyarada ee la baxay Heego,kuwaas oo uu Cabdi Maxamuud Cumar abaabulay inta aysan rabshadaha billaaban.
Isha:FBC
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…