Dooqa Shacabka iyo Doorashada Buntlaan!

Sawirkani waxa uu farriin buuxda ka bixinayaa  qorshe xumada daashatay doorashada la filayo in ay ka dhacdo Maamul Gobakeedka Soomaaliyeed ee Buntlaan, wiilkan yar ee cagacad ama kabo la’aanta ah, caagga biyaha ahna wata, waxa uu la yaabban yahay ninka meesha ku sawiran, sababta oo ah waxa uu qaban doono ma xusin, inta uu sheegeyna wiilkan iyo kuwa la midka ah hab ay u fahmi karaan uma yaallaan.

Waxa uu Faarax Cali Shire uga duwan yahay madaxweyne Gaasna la ma yaqaan maadaama aanay kujirin ololaha musharax Faarax, taas macnaheedu waa in uusan jirin  qorshe cad oo uu ku beddeli doono waxyaabaha uu  Cabdiwali Gaas ka gaabiyey.

“U codee” iyo magaciisa oo seddexan ayaa boorka ku qoran, Wiilka yar waxa uu u baahan yahay iskuul, baad, biyo nadiifa iyo waddooyin dayactiran, balse, Ilaa iyo hadda ma aragno Musharrax Buntlaan ah oo si buuxda u dhihi kara;- Waxa aan beddelayaa  siyaasadihii Qariskaxoorka ahaa ee uu qaatay Dr Gaas, Waxa aan wada shaqeyn buuxda la yeelan doonaa Dowladda Dhexe, Argagixisada iyo amniga faraha ka sii baxaya, waxaan u hayaa qorshe noocaas iyo sidaas ah,  Shaqo- abuuris, Xallinta colaadaha sokeeye iyo nolosha dadka ayaan wax kabedelayaa!

Ma filayo in uu soo baxayo siyaasi sida madaxweyne Gaas hakad galiya mashaariicda lafdhabarka u ah gobalka.

Waxa aan wada rejeynaynaa in uu doorashada Buntlaan ka soo baxo siyaasi xasiilloon, fiiradheer, oo aan ku sii dhugdhugleyn dalalka qalaad, isaga oo qaraab xun iyo sandareerro yar baadigoobaya, Butlaan waxa ay u baahan tahay siyaasi ka badbaadiya gacmaha madaxweyne Gaas iyo kooxda ku hareerreysan!

Cabdicasiis Maxamed Shidane 

General Editor

Recent Posts

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

13 hours ago

Maamulka Cirro oo Fannaanka BK ka hor istaagay inuu u safra Garoowe

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…

13 hours ago

Maxaa diirada lagu saarey Shirka Golaha Wasiirrada ee XFS?

Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…

13 hours ago

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…

16 hours ago

Taliyaha Ciidanka Uganda oo ku baaqay in Ciidanka AUSSOM sii joogaan Soomaaliya

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…

16 hours ago

Abaar iyo biyo yaraanta ka jirta qeybo kamid ah dalka UK

Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…

18 hours ago