Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayay dilal xalay ka dhacay Beledweyn iyo Boosaaso, iyadoo raggii weeraradaas geystyna ay ka baxsadeen gacanta laamaha amaanka

kooxo hubeysan ayaa maqribnimadii xalay waxa ay toogasho ku dileen askari ka tirsanaa ciidamada ilaalinta deegaanka ama Munishibiyo.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cismaan Cali maadeey (Ganeey), waxana dilkiisa uu ka dhacay Xaafada Howl-Wadaag ee Magaalada Baladweyne.

Dilka 2-aad waxa  ay Koox hubeysan xalay magaaladda Boosaaso, ee caasimadda gobolka Bari ugu geysteen Ganacsade xilli falalka amni darro iyo dilalka khaarijinta ay kusii kordhayaan xarunta Ganacsiga Puntland.

Goobjooge ayaa u xaqiijiyay Mustaqbal Radio in rag bastoolad ku hubeysan ay toogasho ku dileen Ganacsade Salaad Cabdi Cukaasha, iyadoo dilkiisa uu ka dhacay xaafadda Raf iyo Raaxo ee magaaladda Boosaaso.

Allah ha u naxariistee Salaad Cabdi ayaa la dilay xilli uu kasoo baxay Masjidka Cali Bin Abu Dhalib, oo uu kusoo dukaday salaadii Cishaha, sida ay Mustaqbal u sheegeen dad isaga xilligaasi la socday.

Marxuumka ayaa xisaabiye ka ahaa Shirkadda Ganacsi oo lagu magacaabo Horseed. Dableyda, oo aan la ogeyn waxa ay yihiin, ayaa goobta isaga baxsatay kahor inta aysan soo gaarin ciidamada amaanka Puntland, kuwaasoo sameeyay howlgal aan la shaacin cida lagu soo qabtey.

Bishan aan ku gudaha jirno afarteeda ­ Febuary 4, 2019 waxaa Boosaaso lagu dhex dilay Paul Anthony Formosa, oo ahaa madaxii Shirkadda P&O ports ee Dekadda, iyadoo dilkiisana raggii fuliyay oo labo ahaa lagu dilay toogasho.

Paul Anthony Formosa oo kasoo jeeday Malta ayaa dilkiisa waxaa cambaareeyay Madaxweyne Saciid Deni, oo ku tilmaamay inuu qeyb ka yahay dagaalka ka dhanka ah horumarka dhaqaale ee Puntland.

Ma jirto cid loo qabtay dilalka ka dhacay magaalada Boosaaso iyo magaalada Beledweyne iyadoo raggii ka dambeeyay dilkana ay goobta ka tageen iyadoo aysan jirin cid la hadashay.

Mustaqbal media

Recent Posts

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

3 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

6 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

6 hours ago

RW Lubnaan “Xasiloonida Lubnaan waxa ay ku xiran tahay in ciidankeeda ay si buuxda u tagaan Xuduudaha oo dhan”

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…

6 hours ago

Maamulka Puntland oo maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu Dowlad-Goboleed noqday

Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…

8 hours ago

Taliyaha AFRICOM “Waxaa naga go’an sii wadista howlgallada Amni ee lagu taageerayo Soomaaliya”

Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…

10 hours ago