Taliyayaasha AMISOM oo uu shir uga furay Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa ka furmay shir ay isugu imaadeen dhamaan Taliyayaasha kala duwan ee howlgalka Midowga Afrika.

Shirkan oo soconaya muddo afar maalmood ah ayaa shalay ka furmay Magaalada Muqdisho,waxaana diiradda lagu saarayaa qorshaha bixitaanka Ciidanka AMISOM.

Simon Mulongo, oo ah ku xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa sheegay in qorshaha shirkan lagu lafa gurayo ay ka midyihiin howlaha la qabanayo ka hor inta aysan AMISOM ka bixin dalka, sida ugu wanaagsan ee uu ku dhici karo qorshaha kala guurka ee amniga Soomaaliya loogu wareejinayo Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo qodobo kale.

Isaga oo la hadlayay Taliyayaasha ayuu ka codsaday in afartaas maalmood ay ku soo saaraan qorshe macquul ah, la isku halleyn karo islamarkaana aan dib u dhac ku keeneyn guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Qorshahan waxaa qeyb ka ah bixtaanka kun ka mid ah Ciidanka Burundi oo 28ka Bishan ka baxaya AMISOM, taas oo waafaqsan qaraarkii Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ee soo baxay July 2018.

AMISOM waxaa ay sheegtay in ay dooneyso in Ciidankeeda Soomaaliya uu la ekaado 20,626 oo Askari meesha lagu gaaro 28ka February ee sanadkan,qorshahaan oo aan dib u dhac lahayn.

AMISOM, waxaa ay sheegtay in qorshahan sidoo kale ay qeyb ka tahay dib u habeyn lagu sameeyo saldhigyada aagga hore ee difaaca,iyada oo la dhimayo Ciidanka jooga hayeeshee la hagaaginayo tayada saldhigyada qaar.

Tigabu Yilma Wondimhunegn, oo ah Taliyaha AMISOM ayaa sheegay in howlgalladooda ay noqon doonaan kuwo bartilmaameedyo gaar ah yeesha islamarkaana hoos u dhiga Awoodda iyo xorriyaddca dhaq dhaqaaqa Al-shabab.

Mustaqbal media

Recent Posts

Guddoomiyaha KMG oo magacowday Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…

28 mins ago

Trump oo sheegay inuu joojiyay weerar uu ku qaadi lahaa Iiraan

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay inuu dib u dhigay weerar ay ciidamada dalkaasi…

54 mins ago

Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?

Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…

3 hours ago

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

8 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

9 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

11 hours ago