Dhimasho ka dhalatay Markab ku caariyay xeebaha Gobolka Mudug

Ugu yaraan hal qof ayaa la xaqiijiyay in uu dhintay halka labo kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii rasaas lagu furay Dad u socday in ay u gurmadaan Markab ku soo caariyay Xeebta u dhaxeya Degmada Hobyo iyo degaanka Garacad ee Gobolka Mudug.

Markabkan ayaa Sabtigii ku soo caariyay degaankaas,waxaana dadka saaran ay sheegeen in ay u baahanyihiin gurmad deg deg ah iyaga oo maryo kor u walfinayay.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya halka Markabkan uu ku wajahnaa,waxaana wararka qaar sheegayaan in uu ku soo jeeday Magaalada Muqdisho,halka kuwo kalena sheegayaan in uu ku soo jeeday Degmada Xarradheere.

Markabka ayaa la sheegayaa in uu u raranyahay Ganacsato Soomaali ah islamarkaana saaranyihiin Raashin iyo Gaadiid.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in Rasaas laga soo riday Markabka ay haleeshay Dhallinyaro sheegay in ay gurmad ugu baxeen Markabka,halka dadka qaarna ay shaki geliyeen in Dhallinyarada ay gurmad u socdeen.

Mustaqbal media

Recent Posts

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

11 hours ago

Maamulka Cirro oo Fannaanka BK ka hor istaagay inuu u safra Garoowe

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…

12 hours ago

Maxaa diirada lagu saarey Shirka Golaha Wasiirrada ee XFS?

Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…

12 hours ago

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…

14 hours ago

Taliyaha Ciidanka Uganda oo ku baaqay in Ciidanka AUSSOM sii joogaan Soomaaliya

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…

14 hours ago

Abaar iyo biyo yaraanta ka jirta qeybo kamid ah dalka UK

Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…

16 hours ago