Dhageyso: Wiil walaalkii oo askari ahaa ku dilay Muqdisho.

Wararka naga soo gaaraya Xaafada Sanca ee Degmada Kaaraan, waxey sheegayaan in Wiil dhalinyaro ahaa uu walaalkiis ku dilay Kaaraan.

Marxuumka geeriyooday, ayaa la sheegay inuu ahaa askai katirsan Ciidanka dowladda, waxaana dilkiisa ka dnabeeyay Wiil ay Ilmo Adeer iyo Ilmo Eedo ahaayeen, SIdaas waxaa soo sheegaya dadka Xaafada Sanca ee Waqooyiga Muqdisho.

Warar is qilaafsan, ayaa ka soo baxaya sababta keentay inuu gacan ka hadal dhex maro labada ruux, Wararka qaar waxey sheegayaan iney salka ku heysay lacago deyn ahaan ay u kala qaateen oo ay isku qabsadeen.

Warar kale, ayaa sheegaya in gacan ka hadalka uu keenay Maandooriye ay isticmaalayeen labada dhalinyarada ah ee Walaalaha ahaa, Askariga la dilay waxaa lagu dhuftay 8 Xabadood oo AK47 ah, taasoo keentay inuu meesha ku geeriyoodo.

Ciidamada amaanka, ayaa ku baxay rasaasta waxeyna sameeyeen baaritaano la xiriirta soo qabshada gacan ku dhiiglaha, Ciidamada ayaa gacanta ku soo dhigay gaari NOAH ah oo uu watay ninka dilka geystay iyo sidoo kale qalab lagu diyaarinayay Maandooriyaha.

Waxa ay sidoo kale Ciidamada C.I.D-da u soo qaadeen meydka Marxuumka la dilay, si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.

Halkan ka dhageyso Wareysiga Goob Joogaha dilka ka hadlaya:

 

Mustaqbal media

Recent Posts

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

12 mins ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

25 mins ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

49 mins ago

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

18 hours ago

Maamulka Cirro oo Fannaanka BK ka hor istaagay inuu u safra Garoowe

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…

19 hours ago

Maxaa diirada lagu saarey Shirka Golaha Wasiirrada ee XFS?

Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…

19 hours ago