Dowlada kenya ayaa waxaa loogu baaqay in ay furto xadka ay la wadaagto Somaliya, si ay uga faa’ideystaan shixnadaha ganacsi shacabka ku nool gobolka waqooyi bari iyo xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee ismaaamulka Garissa.
Mudanaha laga soo doortay degmada Dhadhaab Mmaxamed Dahiye oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Garissa, ayaa waxa uu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in dowlada kenya ay furto xadka somalia ay la wadaagto gaar ahaan magaalada Dhoobley.
Mr Dahiye, ayaa intaa ku daray in maciishiida soomaaliya ka timaada, gaar ahaan dekada magaalada kismaayo ay uga qiimo jaban tahay shacabka waqooyi bari tan ka soo degta dekada mombasa oo masaafo ahaan ka fog waqooyi bari.
Xildhibaanka Dhadhaab , ayaa waxa uu intaa ku daray in dhowaan ay baarlamaanka horgeyn doonaan mooshin ka dhan ah arintaan, Si dowladda ay u furto xadka soomaaliya si shacabka uga faa’ideystaan shixnadaha ganacsi.
Ugu danbeyn xildhibaanka Garissa ayaa sheegay in dadka ku nool xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee u badan soomaalida ay xitaa arintaan faa’ ido ugu jirto maadama qaarkooda aysan goyn karin qiimaha lagu iibiyo maciishada kenya oo cirka isku sii shareertay.
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…