Wararka Saaka naga soo gaaraya magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, ayaa sheegaya iney sii kordheen tirada dadka ku geeriyooday Qaraxyo shalay magaalada ka dhacay.
Qaraxyada oo laba ahaa, ayaa lala eegtay Maqaaxiyo ku yaala Ceelwaaq, waxaana ku dhaawacmay Duhurnimadii Shalay 8 ruux oo shacab ahaa, Ddaka waxyeelada gaartay waxey isugu jiereen dadkii Maqaaxida ka adeeganayay iyo kuwii iskalahaa.
Wararkii u danbeeyay ee Maanta ka imanaya magaalada, waxey sheegeen in Saddex qof oo kamid ah dadkii dhaawacyada qabay ay u geeiryoodeen dhaawac daran oo Qaraxyada ka soo gaaray.
Dhinaca kale, mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda ee ku sugan Ceelwaaq ayaa soo sheegaya in sababaha ugu weyn ee keenaya in Qaraxyada uga dhacaan magaalada ay tahay, iyadoo aan jirin Ciidan awood leh oo ku sugan Ceelwaaq.
Sarkaalka oo codsaday in magaciisa arimo amni darteed aan loo sheegin, ayaa sheegay in Ciidamada dowladda ay maalinkii tagaan Ceelwaaq, Habeenkiina ay ka gudbaan Xadka oo ay gabaad u raadsadaan goobaha ay joogaan Ciidmaada Kenya ee xadka ku sugan.
Habeenkii, ayuu Sarkaalku sheegay in magaalada yimaadaan dagaalamayaasha Shabaab, aroortii horena isaga baxaan.
Halkan ka Dhageyso Wareysiga Sarkaalka:
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…
Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…
Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…
Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…
Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…