Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo ay sameeyeen Ciidanka Kumaandooska ee Gaarka u tababaran ee Gorgor ay ku qabsadeen dhulka Buuraleyda gaar ahaan Dacaarow ee Gobolka Hiiraan.
Dowladdu ma sheegin khasaaraha kasoo gaaray balse waxa ay shaacisay in dhanka Al-Shabaab ay kasoo qabsadeen Afar boqol oo nee foo Ari ah, halka ay dileen ku dhawaad 6 dagaalame oo Shabaab ah sida lagu yiri qoraalka.
Deegaanka Dacaarow waxa ay Dowladda Federaalka ku sheegtay in uu saldhig weyn u yahay Al-Shabaab, goobtaasina ay ku fuliyaan dhaqdhaqaaqa inta badan ay ka sameeyaan Gobolka Hiiraan sida hadalka loo dhigay.
“Ciidanka kumaandooska gor Gor ee Xoogga Dalka oo kaashanayo ciidanka dib u xoreynta deegaanka ayaa howgal qorsheysan ka fuliyey dhulka buuraleeyda gobolka hiiraan. Howlgalka ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay buurta dacaarow oo saldhig weyn ay ku lahayeen Maleeshiyada Al-shabaab” ayaa lagu yiri qoraalka.
“Ciidanka kumaandooska gor gor ayaa howlgalka ku dilay ku dhawaad lix Maleyshiyaad ah oo ka tirsan nabadiidka Al-shabaab. Ciidanka ayaa Nabadiidka kasoo furtay Afar Baqol oo neef oo Ari ah oo Afduub ahaan ay u heesteen Cadowga Al-shabaab” ayaa lasii raaciyay qoraalka DFS.
Ciidamada Dowladda Federaalka oo garabsnaya Daraawiishta DG Hir-Shabeelle & Dadka Deegaanka gaar ahaan Dhalinyarada loo yaqaan “Macawuusleyda” ayaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada Deegaanno katirsan Gobolka Hiiraan.
Mustaqbal
Ka dib xilka qaadistii MW Xasan Sheekh ee Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf ayaa ka…
Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa Sacuudi Carabiya ka dalbatay lacag dhan 51 bilyan oo dollar, iyagoo…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan Xoogga Dalka gaar ahaan guutada…
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda…
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in Wasiir Axmed Macalin Fiqi…
Guddiga Dhexe ee Doorashooyinka Israa’iil ayaa si rasmi ah u ansixiyey natiijada doorashadii baarlamaanka ee…