Ciidamada Badda Tunisia ayaa raadinaya Dad la socday Doon ka shiraacatay Xeebta Sfax oo noqotay marin muddooyinkii dambe ay ka safrayeen Tahriibayaasha qaaradda Yurub ka galaya waddanka Talyaaniga.
Ugu yaraan 8 qof oo doonta la socotay ayaa geeriyootay waxaana la la’ yahay 15 ruux oo aan raq iyo ruux toona lagu helin sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan Xukuumadda Tunisia oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha Afka Dowladda ee Monastir.
Tahriibayaashaan ayaa damacsanaa in ay ka tallaabaan Badda Mediterranean-ka iyaga oo niyadda ku haya in ay tagaan Talyaaniga si ay uga sii gudbaan waddamada kale ee Qaaradda Yurub balse doontii ay la socdeen cillad ku timid.
Sarkaal katirsan Ciidamada ammaanka Tunisia ayaa sheegay in howlgalka raadinta Dadka maqan uu ka socdo xooggiisa Magaalada Xeebta leh ee Chebba ee dhacda Gobolka Mahdia oo bilihii u dambeeyay ay kusoo caarinayeen maydadka dadka badda ku dhinta.
Jinsiyadda Tahriibayaasha doonta la socday ayaa lagu sheegay in ay u badan yihiin Tuniisiyaan halka ilo kale ay ku dareen in ay ku jiraan muwaadiniin u dhashay waddamo kale oo Qaaradda Afrika oo aan si rasmi ah loo tilmaamin.
Marinka Tahriibayaasha naftooda halista ku geliya badda ee Liibiya ka bixi jiray ayaa u jiheystay Tunisia, Xukuumadda Tunis waxa ay sheegtay in ay wax ka qabaneyso dhibaatooyinkaan oo ah musiibo dabar-go’ ku ah Afrikaanka isaga qulqulaya qaaraddooda.
Mustaqbal
Taliayha Ciidanka Darawiishta Qeybta Gobolka Shabellaha Hoose, Gaashaanle Cabdiweli Maxamed Xaaji Ibraahim ayaa askarta ku…
Garsoorka Maxkamadda Sare ee dalka ayaa lagu eedeeyay in ay ka horyimaadeen danaha Qaranka, isla…
Dalalka deriska ah ee Suudaan iyo Itoobiya ayaa xiisadda ka dhex jirta cirka sii gashay…
Madaxweynaha Israa'iil, Isaac Herzog ayaa 8da bishaan oo Axadda ah ku dhawaaqaya Ra'iisul Wasaaraha soo…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Khilaafaadka Siyaasadeed ee ka dhex…
Ka dib xilka qaadistii MW Xasan Sheekh ee Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf ayaa ka…