Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Khilaafaadka Siyaasadeed ee ka dhex jira dhinacyada isku haysta Siyaasadda aanay u baahnayn in xalkooda laga raadiyo Dalka Dibaddiisa.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carrabka ku dhuftay in wax weliba oo tabasho ah la xalin karo waa haddii dhinacyada arrimahaas ka dhaxeeyaan aqbalaan in ay wada hadlaan.
Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas ku daray in mar hore laga gudbay in cabashada Soomaalida dhexdeeda la dhex geeyo Shisheeye sidaas awgeed gudaha Dalka lagi xalin karo waa haddii si niyad furan loo gorfeeye waa sida uu hadalka u dhigay.
“Khilaafaadka dhexdeenna laguma xalinayo bannaanka balse gudaheenna ayaan ku xalinaynaa, waan kasoo gudubnay in arrimaheenna dibadda lala aado, ” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha DFS, Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxa uu xoojiyay gogoshada siyaasadda ee dhowaan Dowladda u dhigtay, waxa uu dhimacyada diidan gogoshaas usoo jeediyay in ay dhigaan gogol dhankoodana ay diyaar u yihiin inay aqbalaan si xal looga gaaro khilaafaadka siyaasadeed waa sida uu hadalka u dhigay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
“Walaalayaal Intaas oo sano ayaa dadkeenna lagu kicinayay waa nala dhacayee qoryaha qaarta, wad haddii aad tabasho qabtid u tag garsoorka oo ha hoggaamin in uu dhiig daato, arrimaha Siyaasadda gogol ayaa ka furan, mana jirto sabab loo kala irdhoobo” sidaasi waxaa hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Taliayha Ciidanka Darawiishta Qeybta Gobolka Shabellaha Hoose, Gaashaanle Cabdiweli Maxamed Xaaji Ibraahim ayaa askarta ku…
Garsoorka Maxkamadda Sare ee dalka ayaa lagu eedeeyay in ay ka horyimaadeen danaha Qaranka, isla…
Dalalka deriska ah ee Suudaan iyo Itoobiya ayaa xiisadda ka dhex jirta cirka sii gashay…
Madaxweynaha Israa'iil, Isaac Herzog ayaa 8da bishaan oo Axadda ah ku dhawaaqaya Ra'iisul Wasaaraha soo…
Ka dib xilka qaadistii MW Xasan Sheekh ee Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf ayaa ka…
Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa Sacuudi Carabiya ka dalbatay lacag dhan 51 bilyan oo dollar, iyagoo…