GUDAHA/wararka

DFS oo ciidamo ka qoreysa deegaannada Waqooyi Bari

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ciidamo ka qoraneyso deegaannada Maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya oo ku yaalla goob Istraatiiji ah.

Ilo xog ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in Dowladda Federaalka diiwaan gashan doonto ciidamadeeda ku sugan deegaannada Waqooyi Bari, si ay u yeeshaan xuquuq la mid ah Askarta kale ee ku baahsan Jamhuuriyadda.

Ciidamadaan ayaa fulin doona waajibaadka Qaranka ee difaaca Midnimada dalka iyo dhowrida Muwadiniinta Soomaaliyeed.

Maamulka Waqooyi Bari ayaa xiriir wanaagsan la leh Dowladda Federaalka, waxaana Madaxda dalka oo uu hoggaaminayo MW Xasan Sheekh ay booqasho ku tageen bishii Janaayo ee sannadkan 2026.

Madaxda ayaa hore u ballanqaaday in diiwaan galin iyo qalabeyn lagu sameyn doono ciidamada ku sugan dowlad goboleedkaasi oo sannadkii 2023 dagaal looga saarey Maamulka Waqooyi Galbeed.

Guud ahaan dalka sida Maamulada Puntland, Koofur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle, iyo Banaadir waxaa ku sugan Ciidanka Xoogga dalka oo si isku mid ah u ilaaliya Amniga iyo kala dambeynta deegaannadaasi.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Safiirkii hore ee Turkiga oo sheegay in ay Soomaaliya keenayaan Maraakiib Kalluumeysi

Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in maraakiibta kalluumeysiga ee Turkiga la filayo…

9 hours ago

Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya

Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…

14 hours ago

BFS oo joojiyay lacagihii Xildhibaannada looga jari jiray aaska Xildhibaanka dhinta

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…

17 hours ago

Turkiga oo 2027 Soomaaliya ka diraya Dayax gacmeed

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…

19 hours ago

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo sii daayay Markab u afduubnaa

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…

20 hours ago

Waa kuma Danjiraha Cusub ee Turkiga ee xilka kala wareegaya Alper Aktaş?

Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…

20 hours ago