Turkiga ayaa ku dhawaaqay inuu kaalin ka geysan doono dib u habeynta Warshadihii ay Soomaaliya laheyd burburkii ka hor.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan uu magaalada Ankara kula yeeshay Wasiirka Warshadaha iyo Teknolojiyadda Turkiga, Mehmet Fatih Kacır.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii labada dal ay uga wada shaqeyn lahaayeen dib u soo nooleynta warshadihii Soomaaliya, si kor loogu qaado wax-soo-saarka gudaha dalka.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada Maalgashiga iyo teknoolojiyadda oo abuuri kara fursado shaqo.
Labada dhinac ayaa is faham ka gaarey qoddobada laga wada hadlay, waxaana loo ballamay in la sii wado kulamada la xiriira iskaashiga dhinaca Warshadaha.
Soomaaliya ayaa hore u laheyd warshada waa wayn oo kaalin kulahaa horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana kamid ah, Warshadihii Sokorta, Burka Caanaha iyo kuwo kale.
Turkiga ayaa ah saaxiibka ugu dhow ee Soomaaliya, isagoo ka taageera dhinacyada Amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta Mashaariicda.
Mustaqbal
Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…
Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…
Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…
Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…
Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…
15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo…