Degmada Yaaqshiid oo Gudoomiye Cusub loo Magacaabay.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Degamda Yaaqshiid u Magacaabay Gudoomiye cusub, kadib todobaad markii shaqadii laga joojiyay Gudoomiyihii hore ee Degmadaas Axmed Maxamed Xasan (Geedow).

Gudoomiyaha Yaaqshiid loo Magacaabay ayaa ahaa Gudoomiyihii hore ee Degmada Xamar Jajab Cabdiwali Cabdullaahi Maxamed, waxa Xilkiisii Xamar jajab si KMG ah ugu sii shaqeynayo ku xigeenkiisii.

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow Duqa Muqdisho ma sheegin sababta ka dambeysa in Cabdiwali laga wareejiyo Degmada Xamar jajab loona magacaabo Degmada Yaaqshiid.

Waxaa isbadal lagu sameynayay Gudoomiyaha Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana xusid mudan in Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir dhanka Maaliyada ahna ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Xuseen Maxamed Nuur uu 23-kii bishan shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Maxamed Xasan (Geedow).

Gudoomiyihii Yaaqshiid ee Shaqo joojinta lagu sameeyay ayay wararku sheegayaan in uu ku dalka ka maqan yahay, taasine ay keentay in shaqada laga joojiyo.

Mustaqbal media

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

38 mins ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

3 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

3 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

8 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

10 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

11 hours ago