Dalkugalka aan la aqoosanayn ee Somaliland oo laga joojinayo Baasaboorka Soomaaliya

Hay’adda Socdaaka iyo Jinsiyadaha Soomalaiya ayaa billowday in ay joojiso muwaadiniinta wata Baasaboorka Soomaaliga ah ee uu saaran yahay Dal kugalka Somaliland (Somaliland Visa) kuwaas oo kabaxaya garoonka Muqdisho ama soo degaya garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa dhowr muwaadin ka qaadday Baasabooradoodii, iyada oo loo sheegay in ay sameystaan Baasaboor cusub.

Ilo kudhow xukuumadda Soomaaliya ayaa u sheegay Mustaqbal Radio in uu jiro amar dowladeed oo ay fulineyso hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha kaas oo faraya in la mamnuuca astaan aan ahayn tan Jamhuuriyadda Soomaaliya  ee uu saaran yahay Dal kugalka Somaliland (Somaliland Visa)

Sababta joojinta muwaadiniinta wata Baasaboorka Soomaliga ah   ee uu saaran yahay Dal kugalka Somaliland ee waddanka dhediisa loo qaato (Somaliland Visa)  ayay u sheegeen Mustaqbal Radio madax katirsan dowladda Soomaaliya in ay tahay in Dowladda Soomaaliya ay dhaqangelineysa sharciga Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo la sameeyey sanadkii 1962, kaas oo dalka oo dhan wadaquseeya islamraakana mamnuucaya in Baasaboorka Soomaaliya lagu dhufto Astaan gelid ama bixid oo waddanka dhexdiisa ah taas oo aan ahayn Astaanta Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya.

Marka la fiiriyo sida uu u dhaqangalay amarka joojinta muwaadiniinta wata Baasaboorka Soomaliga ah  ee uu saaran yahay Dal kugalka Somaliland (Somaliland Visa) waxa muuqata in uu jiro amar degdeg ah oo la socda dib u habaynta iyo horumarin lagu sameynanyey todobaadkii tegey hannaanka bixinta Baasaboorka.

War lagu qoray barta Facebook ee hay’adda socdaalka iyo jinisyadaha ayaa u qornaa sidan

inta la ogyahay illaa hadda waxa uu amarka  joojiinta muwaadiniinta wata Baasaboorka Soomaliga ah  ee uu saaran yahay Dal kugalka Somaliland (Somaliland Visa) saameeyey    illaa 6 qof oo ka baxayey garoonka Muqdisho.

Soo Wareejinta maamulka Hawada Soomaaliya

Dadka lafagura Arrimaha socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa qaba in go’aanka lagu joojinayo in Baasaboorka Soomaaliya lagu dhufto dalkugalka Somaliland ay sabab u tahay arrinta maamulka hawada Soomaaliya oo halkii laga maamulayey magaalada Nayrobi ee Kenya hadda laga maamulo magaalada Muqdisho sidaas awgeedna aanay hadda suuragal ahayn in hawada Soomaaliya ay adeegsadaan duulimaadyo aan fasax duulimaad ka haysan maamulka hawada Soomaaliya, taasina ay saameyn weyn ku leedahay duulimaadyada tegeya Hargeysa kuwaas oo fasax duulimaad uga baahan Muqdisho.

Waxa kale oo jira oo isna saameyntiisa leh isbeddelka kadhacay geeska Afrika oo isna wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya siiyey awood badan oo aanay horay u lahayn sidaas oo kalana xukuumadda Soomaaliya u sameeyey xiriir hal weji ah oo ay dowladaha geesku kula dhaqmayaan Soomaaliya, taasna waxaa muujiyey Baaqii Baxardaar oo ay madaxda Itoobiya iyo Erateriya ku sheegeen in idnimada Soomaaliya ay tahay lama taabtaan.

Safarkii dhowaan madaxweynaha Somaliland uu ku maray magaalooyin kamid ah gobolada Waqooyi waxa uu ku sheegey Madaxweyne Muuse Biixi hadallo adag iyo cannaan aan diblomaasi ahayn oo uu dusha uga tuuray madaxda Soomaaliya, waxaa dad badani qabaan in tani jawaab u tahay Dhaqanka gaashaanle sare Muusi Biixi Cabdi.

Somaliland oo iskudeyeysa in ay ka go’do Soomaaliya kana baxdo Jamhuuriyadda Somaaliya ayaa wadda ololeheeda gooni isutaagga muddo 27 sano ah balse weli ma muuqato suurtagalnimada in go’idda Somaliland, waxaane lagayaabaa in hab-dhaqanka madaxda Soomaaliland uu waxbadan hortaagan yahay.

Somaliland ayaa sameysatay 1995, xeer u gaar ah oo lagu buriyey xeer lam 9 oo soo baxay 1966, kaas oo ahaa xeerka Socdaalka iyi Jinsiyadaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, balse burinta ama baabi’inta xeerka Socdaalka iyi Jinsiyadaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa ay u baahan tahay in loo maro sidii lagu soo saaray.

Mustaqbal Radio

General Editor

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

1 hour ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

4 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

6 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

7 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

8 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

8 hours ago