GUDAHA/wararka

Dagaal culus oo u dhaxeeya Xamaas & Israaiil oo ka socda Magaalada Gaza.

Xaafado katirsan Waqooyiga Magaalada Gaza waxaa ka socda dagaal xooggan oo u dhaxeeya dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta Xamaas iyo Ciidanka Israaiil waxaana barbar socda duqaymo xooggan oo ku dhacaya xaafadaha qaar.

Sida ay ku warrameen ilo kala duwan oo Warbaahinta xogtaan la wadaagay, Dagaalka ayaa sii xooggaystay saacadihii u dambeeyay kaddib markii ciidamo katirsan kuwa Israaiil ay ku go’doomeen goobaha dagaalladu ka socdaan.

Ciidanka Israaiil ayaa adeegsaday diyaaradaha nooca qumaatiga u kaca kuwaas oo ay ku daabuleen dhaawacyada soo gaaray ciidanka iyo in ay u gudbiyaan sahaydu ay u baahan yihiin sida ay ku warrameen ilo si dhow ula socda.

Dagaallada ka socda Waqooyiga Magaalada Gaza ayaa galaaftay nolosha Dad isugu jira dhinacyada dagaalamaya iyo Rayid waxaana maalmihii lasoo dhaafay xooggaystay duqaynta ciidanka Israaiil ka gaysanayaan Magaaladaas.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

MW Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay toddob safiir

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga…

11 hours ago

Masar iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay arrimo la xiriira amniga iyo dagaalka AS

Dowladda Masar ayaa sheegtay in ay sii wadeyso taageerada ay siiso Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada…

12 hours ago

DFS oo Ciidan Booliis ah gaysay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidan Booliis ah gaysay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug…

16 hours ago

NISA oo sheegtay in duqayn ka dhacday HirShabeelle lagu dilay xubno katirsan AS

Duqeymo dhinaca cirka ah ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Fiidow ee Gobolka…

16 hours ago

15 sano kaddib, Turkiga muxuu kusoo kordhiyay Soomaaliya?

Maanta oo kale 19kii Agoosto 2011 waxaa Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyir Erdogan…

17 hours ago

MW Xasan Sheekh “Soomaali is dilayso ma jirayso, Ninkii qori soo qaata ee raba in uu dadka dilo waa lala diriraa”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay hubka iyo qorshaha xakamayntiisa, waxaana…

18 hours ago