Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa soo dhoweeyay Saddexda Deegaan ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u aqoonsaday in ay noqdaan Degmooyin.
Yuusuf Madaale ayaa sheegay in Deegaannadaan ay ka gudbeen shuruudaha ay Degmooyin ku noqon karaan sidaasina ay ku yihiin wixii haatan ka dambeeya Degmooyin katirsan Gobolka Banaadir oo wadartoodu gaarayso 20 Degmo.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi in uu kaalin wayn ka qaatay muddadii uu ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka.
“Waxa aan sugaynaa in Gobolkaan Banaadir sanduuq la dhigo ee lagu kala baxo lagana gudbo Oday Hebeloow hebel soo qor, Degmooyinka cusub ee Gobolka Banaadir waxaa laga rabaa wixii degmo laga rabo sida Saldhig, Amni, Garsoor & Canshuur” Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.
Gobolka Banaadir waxa uu ka kooban yahay 20 Degmo marka lagu daro saddexda cusub ee xalay la aqoonsaday waxa ay guud ahaan kala yihiin: 1-Warta Nabadda, 2-Howlwadaag, 3-Hodan, 4-Waaberi, 5-Xamarwayne, 6-Xamar-jajab, 7-Shangaani, 8-Boondheere, 9-Shibis, 10-Cabdicasiis, 11-Kaaraan, 12-Yaaqshiid, 13-Hiliwaa, 14-Dayniile, 15-Wadajir, 16-Dharkaynley, 17-Kaxda, 18-Daarusalaam, 19-Gubadley & 20-Garasbaaley.
Mustaqbal
Maxkamadda Sare ee dalka Pakistan ayaa maanta soo saartay amar la xiriira in raysal wasaarihii…
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u soo safray magaalada Muqdisho, ka dib safar…
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cali ayaa maanta…
Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dowladda ku dadaaleyso sidii ay isugu…
Ciidanka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa howlgal miino baaris ah ka sameeyay waddada isku xirta…
Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa codsaday in loo sameeyo adeeg caafimaad iyo daryeelka ay…