Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dowladda ku dadaaleyso sidii ay isugu xiri laheyd dhammaan talisyada Ciidamada Qalabka Sida ay ku leeyihiin guud ahaan dalka.
Wasiif Fiqi oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa manta kormeer ugu tagey Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Gaalkacyo.
Wasiirka ayaa warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Xoogga, isagoo ku booriyay gudashada waajibaadka qaran, gaar ahaan sugidda amniga iyo difaaca shacabka Soomaaliyeed.
Kormeerka ayaa ku soo aadaya xilli Wafdi sare oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh ay maalmihii la soo dhaafay safaro kala duwan ku kala bixiyeen deegaanno ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug.
Wafdiga ayaa si gaar ah u booqday Xeryaha Ciidamada, iyagoo kula dardaarmay in ay u diyaar garoobaan la wareegida mas’uuliyadda dalka, markii ay baxaan Ciidamada AUSSOM.
Mustaqbal
Maxkamadda Sare ee dalka Pakistan ayaa maanta soo saartay amar la xiriira in raysal wasaarihii…
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u soo safray magaalada Muqdisho, ka dib safar…
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cali ayaa maanta…
Ciidanka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa howlgal miino baaris ah ka sameeyay waddada isku xirta…
Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa codsaday in loo sameeyo adeeg caafimaad iyo daryeelka ay…
Booliiska Amxaarada ayaa ku guullaystay soo qabashada dhallinyaro tahriibayaal ah oo ka kala safray Magaalooyinka…