War kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayay uga hadashay shilka diyaarad ee uu ku geeriyooday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamka ah Iiraan Ibraahim Ra’iisi waxaana la dhintay Wasiirkii Arrimaha Dibadda Dalkaas iyo mas’uuliyiin kale oo la socotay.
Qoraalka kooban ee kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Federaalka ay tacsi u dirayso dhiggeeda Tehran oo ay ka geeriyoodeen Madaxweyne Ibraahim Ra’iisi, Wasirkiisa Arrimaha Dibadda Xuseen Amir-Abdolahian & xubno kale.
Dalal badan ayaa tacsi u diray Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan waxaana ay dhinaca kale Waddamada qaar ka socdaalay madax Tehran u gaaraysa in ay murugada la qaybsadaan isla markaana garab istaagaan.
Madaxweynaha geeriyooday ee Ibraahim iyo wafdigiisa ayaa watay saddex diyaarad oo nooca qumaatiga u kaca waxa uu kusii jeediyay Magaalada Tehran isaga oo ka yimid Xadka ay wadaagaan Azerbaijan halkaas oo uu kasoo hirgeliyay mashruuc biyo.
Isbaddel ku yimid dhinaca cimillada gaar ahaan ceeryaabo qarisay isu gudubka Diyaaradaha ayaa sababtay in ay buur ku dul dhacdo waxaana lasoo bandhigay muuqaallo iyo sawirro laga soo qaaday goobta shilkaan uu ka dhacay.
Mustaqbal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga…
Dowladda Masar ayaa sheegtay in ay sii wadeyso taageerada ay siiso Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidan Booliis ah gaysay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug…
Duqeymo dhinaca cirka ah ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Fiidow ee Gobolka…
Maanta oo kale 19kii Agoosto 2011 waxaa Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyir Erdogan…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay hubka iyo qorshaha xakamayntiisa, waxaana…