Dagaal beeleed sababay dhimashada 1 qof iyo dhaawaca in ka badan 2 ruux ayaa maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Tuulooyinka Garaash & Moyko oo dhinaca Koofureed uga beegan Magaalada Jowhar Xarunta Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.
Dagaalkaan oo ka dhashay Dhul-daaqsimeed, muranka oo dheeraaday kaddib waxa uu sababay gacan ka hadal galaaftay nolosha mid kamid ah dadkii goobta ku sugnaa sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan.
Ciidan katirsan kuwa ilaalada Madaxtooyada Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle, waxa ay kaashanayaan Odoyaasha dhaqanka labadaan beel si loo helo xabbad-joojin kaddibna looga wada hadlo wixii dhacay iyo qaabka loo xalin karo.
Muddooyinkii u dambeeyay waxaa Gobollada Dalka ka dhacayay Dagaallada Beelaha la xiriira oo sababay dhimasho iyo dhaawac, xiisaddaas ayaa sidoo kale abuurtay cabsi ay muujinayaan dadka ka madaxbannaan dhinacyada dagaalamaya.
Maleeshiyaadka hubaysan ee dagaalamaya ayaa loogu baaqay in ay joojiyaan colaadda ka dhex jirta, waxaana dhowaan Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida kasoo muuqday Dad ku eedeysay in ay gaysteen falal argagax abuuray oo ka dhashay dilalka aanooyinka.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…