GUDAHA/wararka

Guddoomiye Abshirow “Baaqashada Kulanka Baarlamaanka waxa uu ku yimid Waddooyinka oo Hay’adaha amniga xireen”

Kulanka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u baaqday kooram la’aan sida uu sheegay sheegay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golahaas Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Eedda baaqashada ama maqnaashiyaha Xildhibaannada waxa uu maanta dusha ka saaray Hay’adaha amniga Dowladda Federaalka oo xiray waddooyinka maadaama Caasimadda ay ka qabsoomayaan shirar madaxda dalka ka qaybgalayaan.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Xildhibaannada kasoo bixi lahaa dhinaca xeendaabka Garoonka Diyaaradaha ay soo gaari waayeen Xarunta uu ku shaqeeyo Golaha Shacabka balse la rabay in Xildhibaannada kale ee degen deegaannada aan xirnayn inay fadhiga xaadiraan.

“Xildhibaannada malahan eedda baaqashada, Hay’adaha amniga ayaa iska leh oo jidadka way xirnaayeen oo shirar badan ayaa jiray, Xildhibaannada waddooyinka qaar ayaa lagu celiyay, anaga meelaha qaar waan wacnay balse culays ayaa jira, kooramka wuu buuxsami waayay, waxa aan rabnaa Xildhibaannada aan xayirmin way imaan kareen ee kulankaan ka xiga waa in ay soo xaadiraan” Ayuu yiri, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Golaha Shacabka waxa uu todobaadkii ka kulmaa Sabti, Isniin iyo Arbaco, waxaa horyaalla qodobo badan oo muhiim ah kuwaas oo qaarkood guda galeen ka doodistooda isla markaana kulamada soo socda codayn la gelin doonno.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

5 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

8 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

9 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

10 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

10 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

10 hours ago