Ciidankii Jabuuti ee lagu weeraray Shabeelaha Dhexe oo gaaray Jalalaqsi.

Ciidamada Dowladda Jabuuti ee xalay ka tagay Magaalada Jowhar, deegaanno dhowr ahne ay ku weerareen Al-Shabaab ayaa maanta tagay Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Degmadaan ay maanta tageen ayay kolkii hore kasoo ambabaxeen shalay, iyaga oo Magaalada Jowhar u yimid in ay wadaan Gawaari Militari oo loo keenay.

Dagaalka ku qabsaday Deegaanada Kiliga Shiinaha, Dhiin-Garas iyo Buurane, kadib waxa ay go’aan sadeen in ay hoydaan Deegaanka Fiidow.

Gaadiidkaan ayaa qorshuhu ahaa in Magaalada Jalalqsi ay geeyaan ciidamo dhowaan badal lagu sameeyay balse dib u dhac ku yimid awgii shalay looga dajiyay Garoonka Diyaaradaha ee Jowhar.

Duhurnimadii maanta ayay Ciidamada AMISOM tageen Magaalada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan oo ay u socdeen.

Saldhig ay ku leeyihiin Jalalaqsi ayay Ciidamadaan la galeen Xeradooda sida Mustaqbal uu u sheegay Gudoomiyaha jalalaqsi Maxamed Nuur Dabaashe.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in Khasaare dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiiyeen Ciidamada Jabuuti ee ku jira Howlgalka AMISOM oo ay weerarka ku qaadeen.

Ma jiro ilo wareed xaqiijinaya khasaaraha dhabta ee kala gaaray Ciidamada Jabuuti ee ku jira Howlgalka AMISOM iyo Al-Shabaab.

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

4 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

8 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

8 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

9 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

9 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

10 hours ago