GUDAHA/wararka

Ciidanka Kenya & AS oo ku dagaalamay Mandheera

Ciidamada Ammaanka ee Kenya iyo AS ayaa ku dagaalamay Ismaamulka Mandheera kaddib markii xubno katirsan ‘AS’ ay weerar toos ah ku qaadeen ciidamo Kenyan ah oo roondo kawaday meel u dhow saldhig ay ku leeyihiin goobta uu weerarka ka dhacay.

Ciidan dheeraad ah oo katirsan Booliiska hubaysan ee Kenya ayaa dagaalka ku biiray, waxaana la xiray isu socodka waddada uu weerarkaas ka dhacay muddo kooban inkasta oo saakay dib loo fasaxay Gaadiidka iyo Isu socodka Dadka.

Kenya ayaa heegan buuxa gelisay ciidamadeeda kaddib markii ay heshay xogo muujinaya dhaqdhaqaaqa ay samaynayaan xubno katirsan ‘AS’ kuwaas oo beegsanaya Saldhigyada, Askarta Roondada ah iyo kuwa Gaadiidka Safarka.

Ma jiro war kasoo baxay dhinaca Kenya oo lagu faahfaahiyay khasaaraha ka dhashay weerarka lagu qaaday ciidankooda iyo xeradooda, waxaana Xukuumadda Nairobi laga sugayaa in ay xog kasoo saarto waxyeellada ka dhalatay iyo halka uu ku dambeeyay howlgalka.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

2 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

6 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

7 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

8 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

8 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

8 hours ago