Amar kasoo baxay Maamulka Waqooyi Bari ayaa soosaaray amar ku socda Dadka Magaalada Laascaanood oo maanta sugaya Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku wajahan Magaaladaas, waxaana la adkeeyay amniga iyada oo lasoo saaray qodobo dhowr ah.
48 saac ayaa la xayiray isu socodka Gaadiidka iyo Dadka Magaalada Laascaanood, waxaa Ciidamada jooga xuduudaha Maamulkaas la faray in ay joojiyaan Gaadiidka ka baxaya xarunta Maamulka Waqooyi Bari iyo kuwa soo galaya.
Dadka ayaa lagu faray in ay dulqaad muujiyaan Maadaama ay marti u yihiin madaxda Qaranka sida Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo tagaya Magaalada Laascaanood.
Wasiirro katirsan Xukuumadda Federaalka, Taliyaha Booliiska, Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka, Madax xilal kala duwan Dalka kasoo qabtay, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale ayaa jooga Laascaanood.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…