Ciidanka Dowladda ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka sameeyay deegaannada hoos yimaada magaalada Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Howlgalladan oo ka dhanka ah AS, ayaa waxaa ciidanka ku wehliya saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga, sida Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar.
Taliyaha ayaa warbixino ka dhageystay ciidanka wada howlgallada ka dhanka ah AS, gaar ahaan kuwa ka socda gobolka Shabeellada Dhexe.
Jeneraal Sahal ayaa caddeeyay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah AS ee ka socda gobolka Shabeellada Dhexe, isaga oo shacabka ugu baaqay in ay garab siiyaan ciidanka xoogga iyo dadka deegaanka.
Dhawaan ayay aheyd markii ciidanka Xoogga oo kaashanaya dadka deegaanka ay si rasmi ah ula wareegeen magaalada Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…
Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…
Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…
Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…
Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…