GUDAHA/wararka

Madaxweynaha Somaliland oo maanta u safraya dalka Qadar

Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi (Cirro), ayaa la filayaa inuu maanta socdaal rasmi ah ku tago dalka Qatar, kadib markii uu ka helay madaxda dalkaas.

Inkasta oo aan weli si rasmi ah looga hadal ujeeddada safarka, hadana ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha iyo wafdi oo uu hoggaaminayo ay maanta u ambabixi doonaan caasimadda Qatar ee Doha.

Safarkan ayaa lagu tilmaamay mid muhiimad gaar ah u leh xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Qatar.

Sida la sheegay, Wafdiga Cirro ayaa lagu wadaa inuu kulamo la yeesho madaxda sare ee dowladda Qatar, kuwaas oo diiradda lagu saari doono arrimaha iskaashiga laba geesoodka ah, horumarka, maalgashiga iyo fursadaha iskaashi ee mustaqbalka.

Safarkan ayaa imanaya xilli hore Madaxweynaha Somaliland safaro ugu tagey dalalka gobolka iyo Bariga Dhexe.

Mustaqbal

 

MM News

Recent Posts

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

10 hours ago

Maamulka Cirro oo Fannaanka BK ka hor istaagay inuu u safra Garoowe

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…

11 hours ago

Maxaa diirada lagu saarey Shirka Golaha Wasiirrada ee XFS?

Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…

11 hours ago

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…

13 hours ago

Taliyaha Ciidanka Uganda oo ku baaqay in Ciidanka AUSSOM sii joogaan Soomaaliya

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…

14 hours ago

Abaar iyo biyo yaraanta ka jirta qeybo kamid ah dalka UK

Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…

15 hours ago