Wararka naga soo gaaraya Maagalada Garowe ee Caasimadda Puntland ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan maamulkaas ay la wareegeen Garoonka diyaaradaha ee Magaalada.
Ilo ku sugan Garowe ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Mustaqbal in ciidamadaas ay ka cabanayaan mushaar la’aan.
Ciidamadan ayaa la sheegayaa in ay ka tirsan yihiin kuwa Puntland ee difaaca uga jiray degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool,waana markii labaad oo ay todobaad gudahiis la wareegaan Garoonkaas.
Xilliga Garoonkan ay la wareegayeen Ciidamada waxaa Magaaladaasi gaaray Ergeyga gaarka ah Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom.
Kaas oo wada dadaal lagu heshiisiinayo dowladda Federaalka ah iyo maamul Goboleedyada oo uu hadda hakad ku jiro xiriirkooda.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…