GUDAHA/wararka

Ciidamada Turkiga ee ku sugan Soomaaliya oo muddo kordhin loo sameeyay

Baarlamaanka Turkiga ayaa meelmariyay sharci muddo laba sano ah lagu sii wado howlgalka ciidamada Turkiga ee ka socda Soomaaliya, taas oo muujinaysa in dowladda Ankara ay sii wadi doonto taageerada ay siiso hay’adaha amniga Soomaaliya.

Go’aankan cusub ayaa dhaqan geli doona 27-ka Luulyo, waxaana uu u oggolaanayaa ciidamada Turkiga inay sii wadaan tababarrada, la-talinta iyo taageerada farsamo ee ay siiyaan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Howlgalka ayaa sidoo kale diiradda saaraya ka qeyb qaadashada dadaallada ka dhanka ah Al-Shabaab, burcad badeedda, kalluumeysiga sharci darrada ah, tahriibinta hubka iyo khataraha kale ee ka jira badda Soomaaliya.

Qoraal ay dowladda Turkigu u gudbisay Baarlamaanka, kuna saxiixnaa Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan, ayaa lagu sheegay in sii wadista howlgalka ay muhiim u tahay xoojinta awoodda hay’adaha amniga Soomaaliya iyo ilaalinta xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida dhow ula shaqeeya Soomaaliya dhinaca amniga. Sannadkii 2017 ayuu magaakada Muqdisho ka hirgeliyay xarunta tababarka ciidamada ee TURKSOM, halkaas oo kumannaan askari oo Soomaaliyeed lagu tababaray, iyadoo iskaashiga labada dal uu ku fiday dhinacyada difaaca, amniga badda iyo horumarinta tayada ciidamada.

Muddo kordhintan ayaa ku soo beegmaysa xilli dowladda Soomaaliya ay sii waddo howlgallada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo sidoo kale dadaal ugu jirta xoojinta awoodda ciidamada qaranka iyo sugidda amniga xeebaha iyo kheyraadka badda.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

2 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

2 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

2 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

13 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

15 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

16 hours ago