GUDAHA/wararka

Mareykanka oo Sacuudiga u oggolaaday inuu horumariyo Nukliyeerka Rayidka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ansixiyay heshiis dalka Sacuudi Carabiya u oggolaanaya in uu yeesho Nuklliyeer loogu talagalay arrimaha rayidka.

Sida uu baahiyay Wargeyska Wall Street Journal, Nukliyeerkan ayaa lagu sheegay in Sacuudiga markii ugu horreysay loo oggolaaday inuu horumariyo Macdanta Yuraaniyamka.

Heshiiskan cusub oo socon doona muddo 30 sano ah ayaa waxaa fulintiisa ka wada shaqeyn doona Shirkado kala matalaya labada dowladood ee Mareykanka iyo Sacuudiga.

Sidoo kale, heshiiskan ayaa waxaa dhaqaale badan ka faa’iidi doona Shirkadaha tiknoolajiyada ee Mareykanka ee ku takhasusay tamarta Nukliyeerka.

Sacuudiga wuxuu rabaa inuu koronto ka dhaliyo Nukliyeerka si uu u yareeyo shidaalka uu gubo gudaha dalkiisa, isagoo markaas doonaya inuu shidaal badan dibadda u dhoofiyo.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

3 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

5 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

5 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

7 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

7 hours ago

Guddoomiyaha KMG oo magacowday Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…

21 hours ago