Ciidamada Booliska oo 49 qof ku xir xiray Gobolka Shabeellaha hoose

Ciidamada Booliska Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay Gobolka Shabeellaha hoose ku xir xireen 49 qof oo lagu tuhmayo in ay ka tirsanyihiin dhaq dhaqaaqa AL-shabaab.

Zakiya Xuseen oo ah Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliya ayaa sheegtay in 35 qof oo ka mid ah dadka la tuhmayo shalay lagu qabtay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Waxaa kale oo ay Zakiya sheegtay in 14 qof oo kali oo iyaguna la tuhmanayaal ah lagu qabtay degaanka Sabiid oo ay Ciidamada dowladda dhawaan kala wareegeen dhaq dhaqaaqa AL-shabaab.

Zakiya waxaa ay sheegtay in sidoo kale la qabtay Nin Qabiir ah oo AL-shabaab u qaabilsanaa qaraxyada dhejiska ah ee lagu xiro Gawaarida.

Dadka Rayidka ah ayey ugu baaqday in ay Gawaaridooda gaarka ah ilaashadaan si aan loogu xirin qaraxyada loo yaqaanno dhejiska.

Dhinaca kale Taliye Zakiya waxaa ay sheegtay in howlgallada dhinaca amaanka ah ay ku fidi doonaan Gobolka Shabeellaha hoose oo aysan ku ekaaneyn Magaalada Muqdisho.

Web master

Recent Posts

Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…

2 hours ago

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

13 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

15 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

19 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

20 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

20 hours ago