IGAD oo sameysay koox ka shaqeysa  difaaca Badda Cas iyo gacanka Cadmeed.

Danjirayaal ka kala socda dalalka ku jira Urur Goboleedka IGAD ayaa Magaalafa Nairobi kaga dhawaaqay dhismaha koox heegan ah oo difaaca Biyaha Badda cas iyo Gacanka Cadmeed ee Geeska Afrika.

Waddamada ku jira IGAD,ayaa ku heshiiyay in ay ujeeddo mideysan ka lahaadaan amniga Badweynaha Hindiya iyo Badda cas oo xilligan wajahaya tartan u dhaxeeya dowladaha ugu awoodda badan Caalamka.

Waddamda sameystay kooxdan  heeganka ah ee xitaa faragelinta sameyn kara haddii ay Qatar ku timaado qaar ka mid ah dalalkan, ayaa waxaa ka mid ah; Kenya, Uganda, Ethiopia, Sudan, Djibouti, Somalia iyo South Sudan.

Kooxdan waxaa xoggaaminaya Mohamed Ali Guyo, oo ah Wakiilka IGAD ee Soomaaliya,

Howlaha kooxdan ay qabanayaan  waxaa ka mid ah amniga badaha, Socdaalka, Argagixisada, ka hortagga Kalluumeysiga sharci darrada ah, wasaqowga hawada, Burcad Badeedda iyo ka hortagga Wasaqda lagu shubo badaha Geeska Afrika.

 

 

Web master

Recent Posts

Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…

1 hour ago

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

12 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

14 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

18 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

19 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

19 hours ago