Sawir hore
Gudoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle, ayaa ka hadlay dil gelinkii danbe ee shalay Muqdisho loogu geystay Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibraahin oo kamid ahaa Xildhibaanada lagu aasaasay Hirshabelle.
Gudoomiye Cismaan Barre Maxamed, ayaa sheegay in laamaha amniga ay xabsiga dhigeen wadihii gaariga Xildhibaanka geeriyooday oo xiligaasi ka maqnaa gaariga marka la qarxinayay.
Waxa uu sheegay in wax laga weydiinayo waxa kulmiyay in qaraxa uu dhoco iyo isaga oo aan ka ag dhaweyn halka gaariga uu ku qarxay, maadaama ay eheyd inuu Xildhibaanka gaariga ku wado amaba la joogo.
Wararka qaar waxa ay sheegayaan iney suura gal tahay in Wadaha gaariga Xildhibaanka geeriyooday waxyaabaha loo heysto ay qeyb ka tahay Dayac uu ku sameeyay gaariga, maadaama lagu xiro waxyaabaha Qarxa.
Si Kastaba, Marxuumka Cabdiweli Maxamed Ibraahin, ayaa Nooqnaya Xildhibaankii u horeeyay ee katirsan Baarlamaanka Hirshabelle ee lagu dila Muqdisho, waana Xildhibaankii 4-aad oo katirsan Hirshabelle oo lagu dilo Qarax iyo weerar Toos ah oo lagu qaaday.
Saddexda kale, waxaa laba kamid ah lagu dilay Deegaano hoostaga Degmada Balcad Bishii Ramadaanka, Halka mid kalena lagu dilay wadada u dhexeysa Afgooye iyo Balidoogle.
Xildhibaanada Hirshabelle badankood waxey ku suganyihiin magaalada Muqidhso, kuwaasoo Caasimada u yimid arimo kala duwan maadaama ay galeen fasax laba bilood ah.
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…