Categories: DIBADDA/CIYAARAHA

Chelsea oo ugu dambeyn soo afjartay rikoorkii guuldaro la’aanta City.

Kulankii ugu adkaa todobaadkan horyaalka Ingriska ayaa xalay ka dhacay garoonka Stamford Bridge kaa oo u dhaxeeyay kooxda Man City iyo Chelsea.

Baasas habeysan ayay City ku daaliyeen Chelsea kuwaasi oo la daala dhacayay in kubadaha iska soo bixiyaan ayna difaacaan gooshooda.

Inkastoo City kubadda ku badneyd hadana si sax ah uma aysan tageyn goosha Chelsea xilli laba jeer ay heleen fursado gool noqon karay balse goolhayaha iyo daafaca ayaa kala bad baadiyay

Chelsea mararka qaar wax ay ku tiirsaneyd kubdaha rogaal celiska ah balse City waxa ay ahaayeen kuwo foojigan walibana ay ka muuqatay kalsooni dheeraad ah

Goolka koowaad ee Chelsea ayaa yimid daqiiqadii 45-aad waxaana saxiixay Kante ka dib baas uu ka helay Hazard waxa ayna fusradaas aheyd tii ugu horeeysay ee ay qeybtaas hore helaan.

Soo laabashadii , Chelsea waxa ay ciyaarta ku bilaabeen hammi iyo kalsooni waxa ayna diyaar u ahaayeen in kubadda la qeybsadaan kooxda City.

Sidaas oo ay tahay City weerar ayay qaadayeen waxa ayna ciyaarta u muuqatay biloowgii mid isu dheeli tiran labada dhinac.

City oo daqiiqaddii 53-aad soo gilisay Jesus oo loo badalay Sane ayaa mararka qaar kubadda ku badneyd balse City qeybta labaad aad ayay u wacnaayeen waxaana la filan karay goolal dhasha.

Chelsea waxa ay daqiiqadii 65-aad badaleen Kovacic oo dhaawacmay waxaan lahgu badalay Barkley halka City isna uu ka dhaawamcay Silva waxaana daqiiqaidi 68-aad lagu badalay Ilkay Gundogan.

Dhamaadkii Chelsea dar dar ayay wadeen waxaana laga filan karay gool xilli City ay ka sheeganayeen dhameytir la`aan mar waliba oo ay tagaan afka hore ee Chelsea.

Dadaalkii Chelsea gool labaad ayaa ku yimid ka dib kubad koorno laga soo tuuray ayaa waxaa gool cajiib ah oo madaxa ah ku dhaliyay David Luiz waxa uuna goolkaas dhashay daqiiqaddii 78-aad sidaa ayeyna kuso dhamatay ciyaarta.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

7 mins ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

3 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

3 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

3 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

14 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

16 hours ago