Maxey ka wada hadleen madaxda ugu sarreysa dalka ee xalay kulmay?

Madaxtooyada Somaliya waxaa xalay hareeyay kulamo kaladuwan oo isugu jiray kuwo gaargaar ah iyo kuwo guud, waxaa looga hadlayay go’aanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ee la xiriira kala diristii Guddigii Maaliyadda, Qorsheynta iyo La xisaabtanka Hay’addaha dowladda.

Qoraal ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sabtidii ayaa waxaa uu ku sheegay in Guddiga maaliyaddu ay tahay in uu shaqadiisa caadiga sii wato, iyada oo Guddoomiyuhu ku sheegay qodobo ka mid ah xeer hoosaadka iyo Dastuurka.

Kulankii u horeeyay waxa uu isla shalay Villa Hargeysa ku dhexmaray; guddoomiyaha golaha shacabka Mursal iyo labadiisa kuxigeen Cabdiweli Muudeey iyo Mahad Cawad, Labada Gudoomiye kuxuigeen ayaa Afhayeenka golaha shacabka Mursal u sheegay in aysan ku qnaacsaneyn Tilaabada uu qaaday, iyada oo kulanka oo saacado ka dheeraad ah watqigii loogu talagalay qaatay.

Labada Guddoomiye Kuixgeen oo siday fariinta Gudoomiye Mursal, ayaa maqribkii shalay ka hor la kulmay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo).

Labada Gudoomiye Kuxigeen  ayaa kulan kale oo waqti badan la isku helay la qaatay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, kulanka danbe ayaa uga hadleen xaalka taagan iyo heerka uu marayo  go’aankii lagu kala diray guddiga maaliyadda bishii November-2018.

Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo xafiiska fadhiya wax ka yar 7 Bilood ayaa xiligan wajahaya Cadaadis kadhashay kala dirista guddigii maaliyadda oo ay isaga u la muuqato in ay ahayd mid aan xeerka waafaqsnayn balse ay kuxigeenadiisa la tahay in ay ahayd mid sax ah.

Mursal oo hore u ahaa Wasiirkii gaashaandhiga ayaa xilkaasi iska casilay si uu ugu tartamo xilka guddoomiyaha golaha shacabka oo uu iska casilay xildhibaan Maxamed Sh, Cismaan Jawaari oo ku fadhiyey kursigaas muddo 5 sano ah.

Qoraalka 1aad ee lagu kala diray hoos ka aqir

http://www.mustaqbalradio.net/guddoonka-golaha-shacabka-oo-kala-diray-guddigii-maaliyadda/

Qoraalka 2aad ee uu Guddoomiye Mursal ku buriyay kala diristii Guddiga Maaliyadda.

http://www.mustaqbalradio.net/goddoomiye-mursal-oo-sharci-darro-ku-tilmaamay-kala-diristii-guddiga-maaliyadda/

Xildhibaan C/Risaaq Axmed Maxamed waxaa uu ka mid yahay Guddiga Maaliyadda ee golaha shacabka ee shalay loo fasaxay in uu shaqadiisa sii wato.

Wareysi uu siiyay Mustaqbal ayuu kaga hadlayaa sida uu u arko go’aanka Guddoomiyaha Golaha shacabka.

Mustaqbal media

Recent Posts

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

3 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

4 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

7 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

7 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

7 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

18 hours ago