Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubno kale oo Maxkamad la soo taagay

Wararka ka imanaya Magaalada Adis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya ayaa sheegaya in maanta Maxkamad la soo taagay Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya iyo xubno ka mid ahaa maamulkiisa.

Warbaahinta Dowladda ee FANA ayaa sheegtay in Maxkamadeynta Cabdi Maxamuud iyo xubnaha maamulkiisa ku jira ay maanta bilaabatay.

FANA,ma sheegin nooca Maxkamadda la soo taagay Cabdi iyo xubnaha kale ee ka soo muuqday maxkamadda kuwaas oo todobaadkan la xiray.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa intii uu Maxkamadda joogay sheegay in maalmaha uu xabsiga ku jiray helin wax cunto iyo Dawo ah,caafimaaad la’aanna dareemayo.

Maxkamadda ayaa amartay Booliska in muddo 14 maalmood ah ay ku soo dhameystiraan dacwadda ka dhanka ah Madaxweynihii hore ee dowlad Degaanka Soomaalida.

Kiiska Maxkamada ee loo heystay Raggan ayaa ah in ay dambi ka dhan ah xuquuqda aadanaha galeen intii ay maamulayeen dowlad degaanka.

Xubnaha kale ee maanta Maxkamadda ka soo muuqday waxaa ka mid ah;

  1. Abdijemal Kelonbi- Wasiirkii Caddaaladda
  2. Rahma Mohammed – Wasiiraddii hore ee Haweenka iyo Carruurta
  3. Ibrahim Mehd- Wasiirkii hore ee Waxbarashada
  4. Dek Abdulahi –Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda Biyaha
  5. Ibrahim Mohammed Mubarek – Guddoomiyihii Jigjiga
  6. Omer Abdi – Madixii Siyaasadda ee Xisbiga Dowlad degaanka Soomaalida.
Mustaqbal media

Recent Posts

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

17 mins ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

31 mins ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

55 mins ago

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

18 hours ago

Maamulka Cirro oo Fannaanka BK ka hor istaagay inuu u safra Garoowe

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…

19 hours ago

Maxaa diirada lagu saarey Shirka Golaha Wasiirrada ee XFS?

Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…

19 hours ago